X

Dad ku dhintey daadad ku soo rogmadey Jabuuti iyo fadhiidnimada xukuumada

Nimcooyinma Rabi ayaa Ka curtay dhamaan dhulka Somalidu degto oo Jabuuti Ka mid tahay. Waxase daadad soo rogmadey ku dhintey  dad masaakiina halka madaxweynaha Jabuuti oo dhistey guri dhagaxa oo bilaa kaneeco ah lehna koronto joogta ah.


Inta la xaqiijay waxa daadkaas Ku dhintey ilaa afar qof oo masaakiina. Fadhiid Ismaaciil Cumar Geelle ayay ahayd inuu wax ka qabto mudada dheer ee uu jaqaayay cashuurta uu Ka qaado masaakiinta si daadkaasi u soo gelin magaalada.

“Markasta oo roob da’o waa u sidan dadka reer Jabuuti ee Ku nool kulaylka iyo bacadka halka uu jaahil ka yahay Ismaciil Cumar Geelle inuu wax ka qabto dhibta iyo bulaacadaha hormara xaafadaha magaalada Jabuuti.


Ismaaciil Cumar Geelle oo isaga iyo adeerkii aan waxba Ku lahayn halgankii Jabuuti ee looga saaray Faransiiska inkastoo uu  kaga tagey luqadiisa saldhigna Ku leeyahay dalka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.