Waxa caadi ah in aad hesho fariimo buga ama iimaylo kuu sheergaya in warqadi kuu taalo boostada ama lacag kaaga soo noqotey qaybta cashuuraha iyo alaab aad dalbatey oo aan iman. Fariimaha la diro ayaa loo ekaysiiyaa kuwo u eg isla bogaga ay leeyihiin hay’adahaa dawlada.
Marka qofkii aan ka fiirsan waxa dhacaysa inuu fariintaas tuujiyo kadibna ay u gudbiso mareegto buga oo aan ahayn shirkada mareegtadeedii halkaasna ku qoro macluumaadka bangigiisa iyo cadadka lacagta ee lagala baxayo.
Ninka tuuga ee waxaan ku shaqaysta kadib wuxuu cadadkii lacagta ee uu ku qorey fariintii kala baxayaa bangiga dulmanaha. Waxa isla sidaa uu ku xadayaa boqolaal qof oo moogane ah inta badana ah dad waayeela ama dad lacag u baahan.
Haddaba booliiska Ingiriiska oo ku dabajira dadka noocana ayaa gacanta ku dhigey wiil dhalinyara ah oo Somali ah oo cilmi bartey laakiin xalaal mooday in tuugadan lagu taajiro.
Booliiska oo kaashanaya shirkadaha telifoonada ayaa gunta u galay yarkan Somaliga ah oo bartey cilmiga isgaarsiinta oo muddo xadayay dadkan mooganaha ah. Waxayna gurigiisa ka heleen 15kun oo doolar.
Waxana la ogaaday inay tuugadan ka soo gashay ku dhawaan 230 kun oo doolarka Maraykanka sanadihii uu hawshan ku jirey ee 2019 ilaa 2021.
Waxa hadda lagu xukumay 22 bilood oo u dhiganta 6 bilood oo xadhiga. Tuugada noocana ee casriyaysan ayaa aad u baaxadweyn wadamada gaalada.
Rashiid Ceelaanyop
ARAABINEWS