X

Booliiska Kiiniya ayaa sheegay in ay qabteen nin lagu eedeeyay dilka Sh Maxamed Idris

Nayroobi–Ciidamada Booliska Kiiniya ayaa xabsiga dhigay nin lagu tuhmayo inuu ka dambeeyay dilkii wadaadka sh Maxamed Idris oo lagu toogtey Mombasa xilli uu ka soo baxay salaada bishii June 2014.  Ninka la xiray oo magaciisa lagu sheegay Saciid Saalax Cawad ayay booliisku ku qabteen gobolka Mandheera ee dhulka Soomaalida Kiiniya maalintii Isniinta ahayd ee shalay.

Qaybta argagixiso la dagaalanka ee ciidanka booliiska Kiiniya ayaa la sheegay in ay ninkaas gacanta ku dhigeen. Sida uu Wargeysa Nation ee dalka Kiiniya kasoo baxa kasoo xigtay booliiska waxaa ninkaas uu kusoo jeeday Soomaaliya si uu ugu biiro argagixisada Shabaab.

Boliisku  ma sheegin halka ay hadda ku hayaan ninkaas iyo cadeymaha ay u hayaan eedeymahooda ku aadan inuu Saciid Saalax dilay wadaad qonyar socod ahaa.

Wadaadka lagu eedeeynayo Saciid Saalax Cawad inuu dilay waxaa lagu magacaabi jiray Sheekh Maxamed Idiris, waxa uuna ahaa gudoomiyihii Golaha Islaamka iyo Dacwada ee dalka Kenya inta aan la dilin ka hor, sanadkii 2014-kii.

Sheekh Idiris ayaa la sheegay inuu ku cararay Masjid ku yaalay magaalada Mambasa markii uu rasaas ku furay nin hubeysnaa waxaana ka hor dhimashadiisa uu safka hore kaga jiray dadka kasoo horjeeda xagjirnimada ay galayaan dhalinyarada gobolka Xeebta ee dalka Kiiniya.

Maalin ka hor ayay ahayd markii sidaasoo kale militariga Kiiniya iyo gudoomiyaha magaalada Mambasa xaqiijiyeen in sedex dumar ah oo ay 2 Kiiniyan yihiin midina Tanzaniyan ay Militariga Kiiniya ku qabteen magaalada Wajeer, kuwaasoo iyana lagu eedeeyay in ay doonayeen in ay ku biiraan Shabaab.

Sedexdaas dumarka ilaa iyo hada waxaa lagu hayaa mgaaladii lagu qabtay waxaana lagu wadaa in lasoo taago Maxkamad si loo xaqiijiyo waxa lagu eedeynayo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.