X

Suaal diini ah: dadka sineysta ma dhagax oo lagu dilo oo kaliya ayaa dhaqaysa dambiga??

Jawaabtii uu bixiyay sheekha caanka ah ee Axmed Kutty: Run maaha in la yiraaho kuwaas galay dambiga sinada ee ah nin iyo naag isugu galmoodey sifo aan sharci ahayn in sida kaliya ee Rabi ku cafi karo in ay tahay in dhagax lagu dilo. Quraanka iyo sunaha rasuulkeena ayaa marar badan ku celceliyay in sineytayaasha si buuxda RABIGOODA u cafin karo haddii ay ka toobad keeneen oo ay bedelaan sidii awal ay u dhaqmayeen. dancan toobad keentu waxay leedahay shuruudaheeda si Rabigeenu inooga aqbalo.

Shaki kuma jiro in sinada uu Rabigeena ku tilmaamay dambiyada ugu xun ee uu ka dayriyay uuna faray adoomihiisa in ay ka fogaadaan oo macnaheedu yahay in duruufkasta, kicin kasta, iyo xiriir noocasaba ayna u dhawaanin. Wuxuuna Allah ka sheekeeyay ciqaabta ay leedahay.

Waxa dhinaca kale Allah u sheegay adoomihiisa in ayna RAJO dhigin haddii ay ku dhacaan dambi noocaasa..Wuxuuna Rabigeenu Quraankiisa inoogu sheegay ”Kuwa adooomahayga ahoow ee dambi ka galay naftoodow haka Rajo dhigina naxariista EEBE. ALLAH waa cafiyaa dambi oo dhan waayo waa Raxmaan u soo noqda RABIGIINA inta ayna tiinu imanin.

Marka qofku maro wadada saxda ah ee toobada Rabigeenu waa ka aqbalaa waxase ugu daran RAJO DHIGID oo ah wadada shaydaanku jecelyahay. Ogaada ma jiro dambi uuna cafin Rabigeena ee haloo soo noqdo Rabigeena dambi kasta oo aad gasho waayo waxaaba tahay bani aadam.

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.