X

Dawlada Somaliya oo ka hadashay hawada dalka oo Sucuudigu ka weerarayo dagaalyahaniinta Xuutiyiinta

Muqdisho–Madaxtooyada Somaliya ayaa ka jawaabtey warar sheegaya in Sucuudigu isticmaali doono hawada Somaliya si uu weeraro gardaro ah uga gaysto gudaha dalkaasi Yaman oo qoxootigii ugu horeeyay soo gaareen gobolada dalka sida magaalada Berbera.

Iyadoo inta badan shacabka Somaliyeed ay isla dhexmarayaan in Xasan Sheekh uu Dowlada Sacuudiga u xalaaleeyay Hawada iyo Badda Somalia, ayaa waxaa arrintaasi ka jawaabay Madaxtooyada Somalia.

Daa’uud Aweys oo ah Afhayeenka Madaxweynaha Somaliya Xassan Sheekh ayaa beeniyay in  ay ogolaansho ku bixisay Hawada iyo Badda Somalia si looga duqeeyo dagalyahaniinta Xuutiga ee Yemen.

Waxaanu yiri ”waxaan filayaa in aysan jirin meel ay dowladda Soomaaliya ka sheegtey arrintaasi, tan kaliya oo ay sheegtey waa in ay taageereyso go’aanka jaamacadda carabta.

Wuxuu intaasi ku daray ”Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu taageerey go’aanka Jaamacadda Carabta kaasi oo ah in madaxweynaha rasmiga ah ee Yemen uu yahay mudane Xaddi oo hadda ku sugan dalka Sucuudiga, marka madaxweynaha Soomaaliya waxa uu si toos ah u taageerey mowqifka jaamacadda carabta ee ku aadan dalkaasi Yemen, halkaasi oo uu dalka Sucuudiga ka bilaabay hawlgal ay jaamacadda Carabta raali ka tahay.

Wuxuuna ku nuux nuuxsaday in ay sheegi doonaan haddii uu wax iska bedelo heshiiska hadda jitra ee carabtu qaadatay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.