11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Booliiska magaalada Boorama oo war ka soo saaray meyd la helay

Waxa magaalada Boorama oo ka mida meelaha ugu nabada fiican Somaliya oo dhan laga helay meyd. Meydka ayaa laga helay seeraha magaalada oo xilligan doogu aad u baxay inkastoo meelo badan la ootey.


Meydka ayaa waxa arkey soona sheegay haweenka magaalada keena caanaha ay ku nooshahay. Warbixin kooban oo booliisku bixiyay ayay Ku sheegeen in qofka meydka ah uu gubtey. Waxay u muuqataa in la soo gubey oo seeraha lagu soo tuurey.


“Ma garan Karno in la gubey iyo inuu isagu is gubey maadaama uu si xooga u gubtey ayuu yiri afhayeen ka hadley arinta. Magaalada oo ayna jirin colaad dhinaca siyaasaduna degan tahay ugu yaraan ayaa dad badan is weydiinayaa sida wax u dhaceen.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS