X

Dab ka kacay suuqweyn oo ku yaal Boosaaso

Waxa mardhow dabweyn uu ka kacay suuqa Boosaaso kaas oo la sheegayo inuu ka dhashay korontada oo si qaldan u gashan suuqa. Ilaa hadda ma jirto masuuliyiin ka hadashay waxana lagu guulaystey in la bakhtiiyo inta badan.


Waxa khasaare xoogleh uu soo gaaray alaabta bagaashka oo badankeedu gubtey maadaama ay nugul yihiin dabka. ” Waxa eeda leh shirkadaha korontada oo korontada aan habayn ayuu yiri Yuusuf Mire.


Dabkan ayaa gaaray masaafo aad u dheer ayadoo suuqu aad u dheer yahay. Waxase lagu guulaystey inaanu gaysan khasaare xoogleh. Dadka bagaashyada iibiya ayaa ku bakhtiiyay waxay awoodeen.

Lama sheegin wax khasaare nafeeda oo ilaa hadda ka dhashay dabkaas.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.