X

Boorama oo sida kiniinka u soo tuftay gaadhi Hindiga sida cayayaanka ugu soo batay: ARAG

Magaalada Boorama oo ka mid ahayd magaalooyinka ugu hawada fiican Woqooyiga Somaliya ayaa hadda ka mida kuwa hawadoodu soo xumaanayso waxana taas ugu wacan gaadhi Hindiga reer Boorama u yaqaan bajaaj oo hadda sida cayayaanka ugu soo batay. Habeen hore ayay ahayd markii mid ka mida gaadhi Hindigaas uu ku jiirey ilma caruura.

Waxa kale oo aan jirin awood lagu xadido iibsiga gaadhi Hindiga oo jhadda meelaha ganacsatadu ka sameeyaan lacagta. Gaadhi Hindigan oo Hindidii nacday kana mida gawaadhiga ugu wasakhda badan waxa lagu sameeyaa magaalooyin badan oo ku yaala Hindiya waxana hadda aad looga iibsadaa dhamaan gobolada dalka Somaliya oo dhan.

Maamul xumada iyo dawlad la’aanta ayaa keenaysa in gaadhi Hindigu uu ku faafo dalkeena iyadoo ayna jirin awood xadideysa waxa dalka soo gala iyo waxa ka baxa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.