X

Macdantii qaaliga ahayd ee laga gurtey buuraha Awdal oo lagu arkay Dubay yaase iibinaya: XOG

Warar qarsoodi ah oo Araabinews.com ka heshay ilo lagu kalsoon yahay kuna sugan Imaaraada Dubay ayaa noo sheegay in macdanihii laga gurtey gobolka Awdal gaar ahaan buuraha Siimoodi in kumanaan doolar lagu iibinayo Imaarada Dubay waliba suuqyada caanka ah. Mar aan sii waydiinay cida macdantan iibinaysa ayay noo sheegeen in ay yihiin Somali iyo Shiine.

Waxaan sii waydiinay in aan ogaano gobolada ay ka soo jeedaan waxana naloo sheegay in ay yihiin dhamaantood ganacsato ku xiran wasiirka macdanka maamulka Somaliland iyadoo Shiinuhu ay ku soo habeeyaan warshad ku taal dalkaasi Shiinaha.

Ganacsiga macdanta buuraha Siimoodi oo dadka deegaankana looga tagey sunta ayaa sii kordhey in muddo ahba iyadoo si xawli ah loo guro macdantaas. Dakhliga ugu badan ayaa waxa qaata Shiinaha oo iyagu ka sameeya malaayiin doolar halkii tan.

Macdanta laga helay buuraha Awdal ayaa aduunka naadir ku ah waxana soo saara shiilana wadamada waaweyn sida MARAYKANKA iyo Ruushka. Macdanta ayaa hadda ah tan aduunka loo jecelyahay iyadoo ka yar kana adkeysi badan birta caadiga ah ee aan isticmaalo maalin kasta.

Waxa kale oo ilahani noo sheegeen in lacagta macdanta ay si toosa ugu dhacdo jeebab kala duwan oo ku xeeran wasiirkaas waxana taasi u dheer inta ay Shiinaha ka qaataan halka dadka reer Awdal ka qatan yihiin hantida dhulkooda.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.