Boorama xarunta gobolka go,doonka ku jira ee Awdal waxa ka jiray in muddo ahba in dhalinyarada golaha deegaanku ay ku fashilmeen in ay bixiyaan shaqaalihii iyaga u qornaa ee u shaqaynayay hawshana kala waday.
Shaqaalahaas ayaan urin xaqoodii muddo sadex bilooda halka xidhibaanada golaha oo aan la garanayn shaqada ay qabtaan iyaga mishaharkoodu u socdo.
Halkaas waxa lagu tuntey cadaaladii wadamada qaarna waa lakala eryaa dhamaan maamulka fashilma laakiin halkani waa Afrika oo masaakiinta lagu tunto laakiin marka aad ogtahay halka sartu ka qudhunsan tahay ayaad kaliya wax ka qaban kartaa.
Waxa jira muran ay keento fadhiidnimo iyo fashil oo marka dambe isku bedela in la is jufo jufaysto taas oo daboosha xaqii masaakiintu ay lahaayeen..waxaana marar badan aan aragney muran dibeda u soo shaac baxay oo u dhexeeya maayerka magaalada iyo ku xigeenkiisa oo inta badan loo bedelo muran laba jufo u dhaxaysa.
Waxaana taas ugu wacan dhaqanka Somalida ee ku xidideysan qabyaalada iyadoo lagu daboolayo fashilkii u yimi shaqaddii loo igmadey, waxaanan jirin WAX HABAYARAATEE la xisaabtana iyadoo xilliyada doorashada la tumo durbaanka qabiilka. Taas oo sheekada oo dhan ka dhigeysa WAKHTI LUMIS uu ku naaxo kaliya kii ku yimi nidaamka JUFADA. Eedaasna waxa leh shacabka oo kala qoqoban.
Suaasha dad badan iswaydiinayaan ayaa ah xagey ka dhacdey lacagta masaakiinta dibedda fadhiya loogu hanjabo maalinwalba in ay bixiyaan. Maxaase keenay in lacago magaaladu ka sugto Hargeysa??
Cashuuraha laga qaado caanaleyda, kuwa suuqa ku iibiya tamaandhada, tukaamada qaar waxa dhamaanteed toos loogu shubaa khasnajiga Xirsi Tooriile taas oo lagu tunto waxana taas markhaati u ah lacagaha gobolka ka baxa oo xisaab la,aan ku taga Hargeysa.
Gobolku malaha siyaasiyiin cadkooda goosan kara waxna laga maqlo ama la xisaabtami kara waxaanad ka garataa sida uu go,doonka ku yahay..Waxana ku soo baxaysa Boorama lacag la,aani ma haysee waxa haysta karti daro ka timi kuwa sheegta in ay masaakiinta u hadlaan.
Sida kaliya ee looga ilaalin karo in cashuuraha gobolka u gacan gasho dad aan xaq u lahayn waa in gobolku aayihiisa ka tashado ama ugu yaraan helaa dad xafida lacagaha masaakiinta.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS