Bulgaria waxay ka mid tahay wadamada ugu fiqiirsan Yurub waxayna sanadii 2007 ku biireen barwaaqo sooraanka reer Yurub halkaas oo ay ka heleen socdaal bilaa fiisa ah wadamo ayna hore u tagi jirin iyo waliba lacagta wadamada taajirka ah oo dib loo siiyo si loogu kabo dhaqaalahooda.
Hadaba waxa jira qoxooti aad u farabadan oo ka yimi Turki una badan wadamada dagaalku burburiyay ee argagixisadu gashay sida Afganistan, Siiriya iyo Ciraaq iyo wadama kale oo Afrikaana oo dhamaantood raba in ay ka sii gudbaan.
Qoxootiga qaar ayaa ka cowday sida loola dhaqmay iyagoo qaarkood sheegay in dib loogu celiyay Turkiga oo ay ka yimaadeen iyadoo la ogyahay in sharciga reer Yurub dhigayo in aan la celin Karin qoxootiga mar haday soo galaan dalka.
Bulgaria ayaa kordhinaysa siliga ay ku xidho xadka ay la leedahay Turkiga hakaasna ku xidhay kaamarooyin taabashada iyo hormarka wax ku duuba.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay