X

Burco oo lagu qabtey caano aan sax ahayn

Magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa lagu qabtey ugu yaraan 13 caagadood oo laga soo buuxiyay caano buga oo gacanta lagu sameeyay layskuna daray caano boodhe iyo caano geel. Xaaraantan ayaa lagu qabtey laba walaalo ah.


Kadib markii la baadhay caanaha ayaa la ogaaday in afar caagadood mooyee inta kale ay yihiin bug gacanta lagu sameeyay. ”Waxa laysku daray caano  geel oo la kariyay kadibn alagu daray caano boodhe ayuu yidhi taliye hadlay.


Xaaraantan loo badheedhay ayaan la ogeyn inta baaxada tuugadani leegtahay iyo inta jeer ee ay ka iibiyen maqaaxiyaha iyo huteelada. ”Afar ayay ahaayeen waxaaan qabanay laba waxaaana ku daba jirnaa laba kale ayuu raaciyay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.