X

Butlaan oo shaacisay xilliga Caasha Ilyaas cadaalad heli doonto

Maamulka Butlaan ee horjooge Siciid Deni ayaa ugu dambeyn shaaca Ka qaaday xilliga ay Caasha Ilyaas heli doonto cadaalad ay xaqa u leedahay. Waxa Ka soo wareegtay muddo Lix bilood markii la xukumay raggii fuliyay dilka iyo kufsiga. Waxa Ka soo wareegtay hal sanno markii dilka iyo kufsiga la isugu daray.


Ninka ugu magacaaban Siciid Deni xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in xukunkii dilka ahaa lagu fulin doono gacan Ku dhiigleyaasha Kala ah C/fataax C/raxmaan Warsame, C/shakuur Maxamed iyo C/salaan C/raxmaan Warsame.


Waxa xukunka la fulin doonaa bisha soo socota 11-keeda sideeda subaxnimo, wuxuuna ka dhici doonaa fagaare ku yaala magaalada Boosaaso. Waxa la sugaa in la fuliyo xukunkaas si cashar ay ugu noqoto kuwo ku gaban doona qabiil maadaama maamul jufeedyada marnaba keeni karin cadaalad.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.