X

Kumuu ahaa suldaankii inqilaabey aabihii ee aan ka tagin dhaxalsuge

Waxa xalay goordambe geeriyooday suldaankii ugu mudada dheeraa Carabta ee aabihii inqilaabey asagoo taageero buuxda ka helaaya Ingiriiska. Suldaanka ayaan ka tagin wax caruura waana ta sababtey inaanu jirin dhaxalsuge.


Suldaan Qaabuus bin Siciid wuxuu dalkaasi Cumaan soo xikumaayay muddo 50 sanno ah kadib markii inqilaab aan dhiig Ku daadan xukunka Kala wareegay  aabihii isagoo 29 jir ah taageerana ka haysta Ingiriiska.

Maxaa lagu xasuustaa Suldaan Qaabuus

Markii aabihii dalka xukumaayay dalku wuxuu ahaa dal aad u fiqiira oo ayna jirin dugsi, isbitaalo, wadooyin iyo wax horumara, dadkuna nolosha saxaraha iyo silic ayay Ku noolaayeen.


Muddo toban sanno ah waxa dalku yeeshay 12,000km oo wado salaxana halka markii aabihii xukunka haystey uu lahaa 10km oo wado salaxan oo keliya. Wuxuu dhisay tobankaa sanno ee ugu horeeyay 363 dugsi iyo 28 isbitaal.

Cumaan maanta waxay ka mid tahay dalalka soo koraya ee dadkooda kor u soo kacayso aqoontooda guud inkastoo Carabta kale ay la qabaan xirxiranka bulsho.


Waxay diin ahaan raacaan madhab aan badneyn oo lagu sheego inay ka soo jeedaan Khawaarijtii diley Cali bin ani Daalib (Ra). Madhabkan ayaa ka horeeyay waxa hadda loo yaqaan Sunni iyo Shiica, waxana horjooge u ahaa Cabdullaahi Cibaadi. Wax jawaaba oo badan kama haystaan madhabka ay raacaan.

 

Haddaba yaa loo magacaabay kursiga


Kadib fadhi ay yeesheen golaha qoyska Suldaan Qaabuus, waxay go’aansadeen inay xukunka u dhiibaan inadeerkii  Xaytam bin Taariiq Al-Siciid. Waxa wadooyinka caasimadda Masqad lagu arkey gawaadhida dagaalka ee gaashaaman ayadoo aad loo adkeeyay amniga guud.

Suldaan Qaabuus ayaa u dhintey xanuunka Kansarka oo hayay in muddo ah inkastoo dhowr bilood kahor lagu daaweeyay dalkaasi Beljimka. Waxa lagu xasuusan doonaa siyaasad dhex dgexaadnimo ee uu ka ciyaaray arimaha Carabta inkastoo uu si toosa ula kulmey Yuhuuda.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.