X

Butlaan oo xukun ku ridey lamaane magaalada Boosaaso

Maxkamad ku taal magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa xukun ku ridey haweenay ku eedaysan inay samaysay xatooyo kadib markii ay soo xaday gabadh yar. Gabadha la soo xaday ayaa la sheegay inay ku dhimatey haweenayda gurigeeda.


Ruqiya C/raxmaan Maxamed ayaa baadhitaan kadib lagu helay in ay xaday gabadha yar oo sanad jir ahayd kadibna ay ku geeriyootay lsla gurigeeda.


Dhacdadan naxdinta leh ayaa markey dhacday aad looga naxay mudana la raadiyay halka cunugta yar martey. Gudoonka maxkamada gobolka Bari ayaa sheegay in Ruqiya ay qiratey dambiga.


Ruqiya waxa lagu ridey xukun dil ah dembigaas ay qiratey awgeed ayaa laga yiri maxkamada waxana intaas la raaciyay in ninkeeda isna lagu xukumay 3 sano oo xariga.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.