X

Horjooge Siciid Deni oo ciidan uga goostey dhinaca dawlada dhexe

Ciidamo ka tirsanaa maamulka horjooge Siciid Deni ee deegaanka Gardafuul oo hore uga tirsanaa gobolka Bari oo saxaafada la hadley ayaa sheegay inay ka goosteen haddana ka mid yihiin kuwa dawlada dhexe. Masuuliyiinta la hadley saxaafada ayaa faahfaahin sababta Ku kaliftey inay Ka carareen horjooge Siciid Deni.


“Maanta kadib kama tirsanin maamulka uu hogaamiye horjooge Siciid Deni waxaan ka mid nahay ciidanka qaranka ee dawlada dhexe maamusho ayay yiraaheen saraakiisha hogaaminaysa ciidanka.

Waa markii ugu horeysay oo maamul jufeed ciidan uga goosto dhinaca dawlada dhexe inkastoo awal ay caadi ahayd in Isla maamul jufeedyada dhexdeeda ay u kala goosan jireen sida Somalilaan iyo Butlaan.


Mar ay ka hadleen sababta Ku kaliftey in horjooge Siciid Deni ka goostaan ayay saraakiishu sheegeen inay la kulmeen cadaalad daro baaxad weyn oo ay u  raacsan tahay farogelin deegaanka ah.


Waxay ka digeen in la keeno ciidamo badeed tababaran maadaama ayna joogin deegaankooda wax argagixiso ah. Waxay dalbadeen in dawlada dhexe kaalinteena qaadato difaaca qaranimada dalka.

Horjooge Siciid Deni ayaa la sheegay inuu durba direy oday dhaqameed wada kiishash lacaga halka dhinaca kale uu isku diyaarinaya inuu weeraro.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.