X

Buurmadow oo ka xumaaday hadal faana oo la galay dhiigmiiratada

BUURMADOW

Dhawaan ayay ahayd markii caaqil Cusmaan Buuyradow uu madal ka yiri argagixisada nin DIRAA hogaanka u hayay oo waxay ahayd dawlad kale oo ka dhisan Koofurta ayaa waxa ka daba qaatey dad argagixisadu madhisay.


”Dadka badankiisa ayaa hadalka caaqilka u arkaayay mid kaftana oo uu beerka ugu salaaxayo in ugu yaraan DIRKA la iibsado doorashada Somaliya ay wax soo ahaayeen laakiin halka uu kaftanka geliyay ayaa ahayn meel ku haboon ayuu yiri Xuseen Warsame.

Inkastoo ay jiraan geesiyaal u dhashay beesha DIR oo hogaanka Somalida u soo ahyay waxase su’aal badan la geliyay waxa Buurmadow ku doortey nin beeshiisa ah in madax u ah urur diinta ku qadhaabta kumanaan Soamli ahna qaba.


Marka dadkii ay argagixisadu dhiigooda daadisay waxay xaq u leeyihiin inay ka dhididaan kana xanaaqaan halka Buurmadow kaftana geliyay waxana looga fadhiyay inuu raali gelin bixiyo, waana ta maanta uu bixiyay.



Buurmadow waxaan leenahay cuntooyinkii iyo casuumadihii aad ka hadashay maahayn kuwo la mahadiyay hadaad DIR sheegana dee dirku ISAAQ keliya maaha, taariikhaha aad ka sheekaysayna maaha kuwo soo jiitey Somali ama adiga sumcad uu soo jiidaya.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.