X

Orodyahanka caanka ah ee Xayle Gabrisalaasi oo Afrikada fariin u reebay

Xilli dawlada Itoobiya soo afjarayso maleeshiyada Tigreega ee isku baahisay gobolka Axmaarada ayaa orodyahanka caanka ah ee Xayle Gabrisalaasi uu fariin u reebay Afrikada kadib markuu arkay sida maalin kasta been looga sheegayo xaqiiqada ka jirta dalkiisa.


”Reer galbeed weerar cad ayay ku soo qaadeen waase ku fashilmeen oo waxaan ka qaadnay keliya inaan isku duubnaano oo mid noqoon ayuu yiri Xayle waxaanan leehay Afrikada nagula soo biira halgankaa.



”Waxay rabaan reer galbeedku inay gumeysi cusub ula yimaadaan Itoobiya waanse diidnay ayuu yiri Xayle oo ahaa madaalaha Itoobiya ku faanto una soo hooyay koobab farabadan orodaad aduunka sanadihii sagaashanaadkii iyo horaantii labada kun.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka sifeynta Tigreega gobolka Axmaarada ayaa si xawliya ku socda. Waxa laba cisho looga saaray gobolka Canfarta.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.