X

Buurmadow oo ku faanay dhiigmiiratada shabaab

Caaqilka ISAAQ ee Buurmadow ayaa ku faanay dhiigmiiratada shabaab kuna sheegay dawlad ay hogaamiso DIR. Hadalkan gafka ayuu moodayaa inuu ku helayo sharaf iyo madaxtinimo DIR. Waxase uu meel uga dhacay dadkii ay xaasuuqday argagixisadu.


”Waa marka horee dhiigmiiratadu ma aaminsan yihiin in nin DIRA hogaamiyo jawaabtu waa maya waxayse ku midaysan yihiin daadinta dhiiga muslimiinta ayuu qabaa Xuseen Warsame.


Waxaan shaki ku jirin inay ka guban doonaan hadalka Buurmadow dadkii dhiigmiiratada shabaab xasuuqeen iyo caruurtii ka hadhay oo maanta qaarna naafo yihiin qaarna aan cidba xasuuusanba.

”Hadalkan gafka ah ee aan gebi ahaanba meesha qaban ayaan ahayn wax lagu kaftamo waana qasab inuu meel iska saaro ayuu qabaa Cali Calasow.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.