X

Waxgaradka Butlaan oo horjooge Siciid Deni uga digay dagaal uu ku guban doono

Kadib markii ciidanka Maraykanku tababaray ee Butlaan diidey inay aqoonsadaan horjooge Siciid Deni ayaa waxa soo baxaayay in horjooguhu diyaarinayo dagaal uu ku qaado Boosaaso waxase ka digey waxgaradka Butlaan.


”Waxaan leehay ha qaadin dagaal aad faraha uga guban doonto ayuu yiri Maxamuud Shire oo Gaalkacayo jooga. ”Dooni meyno in la qixiyo shacabka Boosaaso ayuu yiri boqorka Daarood oo isna ka hadlay daandaansiga horjooge Siciid Deni.


Waxa inta badan laysla dhexmarayaa inay qaskan Butlaan dabada ka riixayaan kooxda Xalane ee fadhida Muqdisho lana shaqaysa horjooge Siciid Deni oo ujeedkoodu yahay in dalku helo horgale ay ku shaqaystaan ayuu qabaa Cali Calasow.



Shacabka Boosaaso ayaa la sheegay in iyaga laftoodu xalay ay feejignaayeen kana cabsi qabeen inuu soo weeraro Boosaaso. ”Horjooge Siciid Deni ka faaiidi maayo dagaal waase ku jabaayaa sida uu qabo Maxamuud Mire. Dagaal ma rabno ayuu yiri Beeldaaje Maxamed.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.