X

Dhacdo murugo leh: Hooyo gaajo ugu dhimatey degmada Luuq

Dhacdadii ugu murugada xumeyd ayaa ka dhacday degmada Luuq ee gobolka Gedo kadib markii hooyo 5 caruura wadata ay gaajo darteed ugu geeriyootay xilli ay naas madhan jaqsiinayso ilmaheeda. Aabaha dhalay 5-ta caruura oo da’ah ay degmadu u dhistey hoy ay galaan iyo quud.


Dhacdadan murugada badan ayaan ilaa hadda la garanayn sida ay ku gaartey heer ah in qoyskaas aanu helin wax u gargaara, waxayna caaqiibo xun ku tahay maamul ku sheega meesha ka dhisan ayuu qabaa Xuseen Warsame.



“Degmada waxa mara webiga Jubba waxana ku yaala beero ay ka baxaan cuntooyinka kala duwan, ma waxa la garan waayay in dadkan abaartu keentay isha lagu hayo, waa damiir xumo weyn ayuu raaciyay.


Lama garanayo inay jiraan dad la mida oo sideeda ah oo iyaguna gaajo la hurda buulaalka kulul.

Hooyadan ayaa saaka lagu aasay Isla degmada.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.