X

C/xakiin Camey oo ka noqdey dacwad uu ka gudbiyay Cabdiwelli Gaas

Ku xigeenka madaxa Puntland C/xakiin Camey ayaa ka noqdey dacwad uu ka gudbiyay Cabdiwelli Gaas oo la sheegay inay la xiriirtey ismaan dhaafka magacaabista guddiga xalinta khilaafaadka oo maxkamadda Puntland sheegtay inay caado ahayd inuu magacaabi karo Cabdiwelli Gaas laakiin ay ahayd inuu la tashado ku xigeenkiisa.


style=”text-align: justify;”>Warqad ka soo baxdey xafiiskiisa ayaa Camey ku sheegay inuu ka noqdey dacwadaas asagoo fiirinaya duruufaha jira iyo weliba doorashooyinka soo socda.


Waxa dhamaad ku jira waqti xilliyeedkii Cabdiweli Gaas iyo Camey. Madaxweyne ku xigeenka ayaa Gaas ku eedeeyay inuuna cidna la tashan oo keligii hawsha iska wato.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.