X

Wasaarada kaluunka oo bixisay shatiyo kaluumaysi iyo cida laga iibiyay

Wasaarada kaluumaysiga eiyo kheyraadka badda ee Somaliya ayaa bixisay shatiyo kaluumaysi markii ugu horeysay. Kaluunka Somaliya ayaa la daldalshaa waxana laga helaayay malaayiin doolar 28-sano ee u dambeeyay.


Shatiyadan ayaa kaluumaysatada yar ee Somaliyeed walaac ka muujiyeen, ayadoo xadideysa kaluunka ay helayaan. Waxa shatiga koowaad la siiyay shirkad Shiine ah oo lagu magacaabo COFA.


Hal milyan oo Doolar-ka Mareykanka ah ayaa lagu bixiyey 32-da shati ee ay wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda saxiixday. Dawlada Somaliya kaliya ayaa xaq u leh inay bixiso shatiyada kaluumaysiga.

Lacagta ka soo gasha kaluumeysiga ayaa si toos ah ugu dhici doonto Bangiga Dhexe lama bixin doono ilaa laga heshiiyo qeybsiga kheyraadka dalka Soomaaliya, sida ay dowladda sheegtay.


Waxa shirkadan loo ogolaadey kaliya inay la bixi karto kaluunka nooca loo yaqaano Tuna.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.