X

Deg deg: Gorgortankii siyasadeed ee mooshinka looga keenay Farmaajo oo fashilmey

Gorgortankii siyaasadeed ee mooshinka looga keenay Farmaajo ayaa burburey. Xildhibaanada waday mooshinka ayaa ku fashilmey inay keenaan tiro ku filan oo ay ku muujiyaan awooda ay leeyihiin inkastoo ay taageero ka helayeen dawlado shisheeye oo jecel in Somaliya ku jirto gacan shisheeye.


Xoghayaha Xafiiska Guddoonka Golaha Shacabka Mudane Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux ayaa saaka warqad uu u diray Guddoomiyaha iyo labadiisa Ku Xigeen ku xaqiijiyay in tirada rasmiga ah ee soo gudbisay mooshinka uu yahay 78 xildhibaan, sidaas darteedna uusan ahayn mid Golaha la horgeyn karo.


“Mudane Guddoomiye, aniga oo gudanaya waajibkayga ah masuulka maamul ahaan Golaha ugu xilsaaran xaqiijinta dukumintiyada Golaha, tirada qoraallada saxiixyada, soojeedinta naloo soo gudbiyay oo dhammaa 92 (sagaashan iyo labo) haddii laga jaro 14 (afar iyo toban), waxaa kusoo haraya Hindisaha 78 (toddobaatan iyo sided). Haddaba tirada xildhibaannada kusoo haraya Hindisahan ee xaqiiqda ah ma buuxinayo tiradan uu qodobka 92aad, farqada 2aad ee Dastuurka KMG oo sharciyeedu ansax ku noqon karto saddex meelood meel.”


Shalay ayay ahayd markii ay hadleen xildhibaano laga been sheegay oo lagu darsaday warqada la gudbiyay. Tirada xildhibaanadan ku saxiixan warqada ayaa ah tiro aad u yar oo aan meelna gaarayn laakiin loogu talogalay in lagu qalqal kaliya amniga dalka ayuu yiri xildhibaan katirsan golaha.

” Xildhibaanka ayaa intaa ku daray haday haystaan tiro kale ha soo hordhigo golaha gudoomiye Mursal oo hadda ku fashilmey gorgortankan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.