Caalim Muslima ayaa u jawaabay madaxweynaha Faransiiska jaahil Imaanuwel Makroon oo diinta Islaamka ku sheegay mid khalkhal ku jirta. Jaahi Makroon ayaa hadalkan sheegay mar uu difaacayay diin la’aanta reer galbeedku haystaan.
Sheekh Cali Qaradafi oo ah xoghayaha guud ee ururka caalamiga ah ee iskutaga musheekhda ayaa jaahil Makroon u sheegay in aanu ka walwelin diinta Islaamka oo aan u baahneyn inay hesho hay’ad si ay u faafto, ama seef u qaado kuwa ka soo horjeeda si ay tabeelooyin u taagato ayuu yiri caalim Cali.
”Mustaqbalku waa diinta Islaamka, waxaan wax weydiinaynaa xukume khalkhal ku jira iyo dagaal diimeedkii xilliyadii dhexe, haddii uu jiro khalkhal diimeed, waa laba wajiileynta siyaasiyiinta reer galbeedka ayuu raaciyay.
Makroon ayaa la saftey kartoono lagu aflagaadeeyay rasuulkeena CSW ayagoo qiil ka dhiganayo xoriyada hadalka oo aan la garanayn halka ay kaga taalo cidkasta ayaad aflagaadeyn kartaa si aad lacag uga samayso.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS