X

Caaqil Cumar Cismaan oo kabaha la dulmaray beenaale RIYO-RAAC

Caaqil Cumar Cismaan oo ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa kabaha la dulmaray beenaalaha weyn ee Muuse Biixi u ah gudoomiyaha doorashada maamulkiisa oo sheegay in xal laga gaaray awood qaybsiga maamulkan la baxay Somalilaan. Beenaale RIYO RAAC ayaa sheegay inuu tiranayo gobolka Awdal . ”Dad ogolaada in jufo kale tiriso waxa laga hayaa kuwa Awdal degan ayuu yiri Xuseen Warsame oo Hargeysa jooga.


Caaqil Cumar Cumar oo aad ula yaabay been gudoomiyaha doorashada ee Muuse Biixi u sheegay idaacada Ingiriiska ee beenta lagu yaqaano, yirina waa laga heshiiyay. Mey weydiin cida u sheegtay warkan maadaama idaacadaas lagu yaqaan inay la jirto gooni goosadka kana gaabsato wixii diidan gooni goosadka.


Caaqi Cumar Cismaan ayaa sheegay in beenta uu sheegay RIYO RAAC ayna ahayn  mid isaga ka timi, wuxuu weeraray tirinta uu ka bilaabay gobolka Awdal oo caaqilku sheegay in dadku hore isku tiriyeen ayna ka yarayn hal milyan iyo shan boqol.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.