X

Siyaasi Ciise ah oo ku baaqay in Ciisaha Itoobiya soo camiraan Awdal

Siyaasi Maxamed Cumar Xadi ayaa ku baaqay in Ciisaha Itoobiya soo camiraan Awdal gaar ahaan xeebtiisa si ay cod ugu yeeshaan una hirgeliyaan sheegashada Saylac iyo Lughaya. Waxa baryahan dambe si caadiya u gurta ciida gobolka ganacsato Ciise ah ayagoo xaalufin ka wada gobolka.


Dhinaca kale waxaan ognahay inay gurtaan kaluunka badda Saylac ayagoo wata laba shaadh, xilli gobolka Awdal ayna ka talin dadkii lahaa ee ay maamulaan kheyraadkiisa Ciise iyo Isaaq ayuu yiri Xuseen Warsame.


“Dadku waxay ahaayeen reer guuraa kolna halkan yimaada xilliga abaarta kadibna dib u noqda, markaa waxaan leenahay soo noqda oo is diiwaan geliya ayuu yiri Maxamed Cumar Xadi.


Xataa Jabuuti ayay joogaa markaa ha soo noqdaan wixii Ciise ah. Waxaan ognahay in aad loo xanibo dadka reer Awdal ee ka imanaya Jabuuti si ay isku diiwaan geliyaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.