Waxa saakadii hore cadaalada la mariyay ragii kufsaday isla markaana diley Caasha Ilyaas oo ahayd gabadh 12 jira oo sanadkii hore sida xun loo jarjaray magalada Gaalkacayo.
Waxa in muddo cadaalada laga meermeeray, waxana go’aanka maanta sababay kadib markii bulshada Somaliyeed cadaadis xoogleh ku saareen in horjooge Siciid Deni fuliyo cadaalada laga rabo.
Sidaasi darted waxa magaalada Boosaaso cadaalada la marsiiyay saddexda nin ee sida tooska ah ugu shaqo lahaa falkan foosha xun ee lagula kacay gabadhaas yar.
Ugu yaraan Caasha Ilyaas iyo qoyskeeda waa ka seexan karaa mana arki doonaan aragooda raggaas dhafiyay gabadha ay jeclaayeen ayuu yiri Cali Calasow.
Goobta toogashadu ka dhacdey ayaa waxa kaqayb galay dad tirabadan si ay u arkaan cadaalada ay dalbadeen bulshada Somaliyed qasabteyna inuu fuliyo horjooge Siciid Deni.
Cadaaladan maanta dhacdey oo Butlaan ku yar ayaa waxa amaanay dhamaan bulshada Somaliyed ee u dagaalamay in bal mar uun maamul jufeed laga helo cadaalad ayuu qabaa Cali Calasow.
Ragga la toogtey ee cadaalada ayaa lagu kala magacaabaa C/fataax C/raxmaan Warsame, C/shakuur Maxamed Dige waxana halkaas ku xirmey kiiska Caasha Ilyaas oo marnaba la fileyn inay cadaalad hesho nidaamka qabaliga ee jira awgeed.
Aabe Ilyaas muxuu ka yiri cadaalada uu helay
Aad ayaan ugu faraxsanahay cadaalada aan helay ayuu yiri aabe Ilyaas. Waxana uu sheegay inuu hadda ka seexan doono. Wuxuu taabtey mid ka mida raggaas in eheladiisu ka codsadeen in dib loo dhigo xukunkiisa muddo toban cisha uuna aqbalay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay