Wednesday, August 12th, 2020
header

Caasha Ilyaas oo ugu dambeyn heshay cadaalad

Waxa saakadii hore cadaalada la mariyay ragii kufsaday isla markaana diley Caasha Ilyaas oo ahayd gabadh 12 jira oo sanadkii hore sida xun loo jarjaray magalada Gaalkacayo.

Waxa in muddo cadaalada laga meermeeray, waxana go’aanka maanta sababay kadib markii bulshada Somaliyeed cadaadis xoogleh ku saareen in horjooge Siciid Deni fuliyo cadaalada laga rabo.




Sidaasi darted waxa magaalada Boosaaso cadaalada la marsiiyay saddexda nin ee sida tooska ah ugu shaqo lahaa falkan foosha xun ee lagula kacay gabadhaas yar.

Ugu yaraan Caasha Ilyaas iyo qoyskeeda waa ka seexan karaa mana arki doonaan aragooda raggaas dhafiyay gabadha ay jeclaayeen ayuu yiri Cali Calasow.



Goobta toogashadu ka dhacdey ayaa waxa kaqayb galay dad tirabadan si ay u arkaan cadaalada ay dalbadeen bulshada Somaliyed qasabteyna inuu fuliyo horjooge Siciid Deni.

Cadaaladan maanta dhacdey oo Butlaan ku yar ayaa waxa amaanay dhamaan bulshada Somaliyed ee u dagaalamay in bal mar uun maamul jufeed laga helo cadaalad ayuu qabaa Cali Calasow.



Ragga la toogtey ee cadaalada ayaa lagu kala magacaabaa C/fataax C/raxmaan Warsame, C/shakuur Maxamed Dige waxana halkaas ku xirmey kiiska Caasha Ilyaas oo marnaba la fileyn inay cadaalad hesho nidaamka qabaliga ee jira awgeed.

Aabe Ilyaas muxuu ka yiri cadaalada uu helay

Aad ayaan ugu faraxsanahay cadaalada aan helay ayuu yiri aabe Ilyaas. Waxana uu sheegay inuu hadda ka seexan doono. Wuxuu taabtey mid ka mida raggaas in eheladiisu ka codsadeen in dib loo dhigo xukunkiisa muddo toban cisha uuna aqbalay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.


Warning: Use of undefined constant end - assumed 'end' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/s8724/public_html/wp-content/themes/codkadalka_theme1/functions.php on line 1037
Wararka xiga

Qaramada midoobay oo welli liqi la sharci islaamka ka soo horjeeda oo barlamaanku diidey

August, 12, 2020
Waxay xilligii dalku ku jirey ku meel gaadh ...

Shir Samaroon ka yeeshay awood qaybsiga oo bayaan laga soo saaray

August, 12, 2020
Ayadoo Muuse Biixi kor u bood boodaya kadib ...

Derbiga kacbada oo dayactir lagu sameeyay

August, 12, 2020
Agaasimaha ku shaqada leh dayactirka xaramka ayaa sheegay ...

Ilhaan Cumar oo ka hadashay guushii ay ku dirtey musharax Yuhuudu wadatey

August, 12, 2020
Ilhaan Cumar oo ka so baxda xaafada shanaad ...

Deg-deg: Madaxweyne Buutin oo gabadhiisa ku talaalay daawadii u horeysay ee Koroona

August, 11, 2020
Madaxweynaha dalkaasi Ruushka Buutin ayaa shaaca ka qaaday ...


Warning: Use of undefined constant end - assumed 'end' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/s8724/public_html/wp-content/themes/codkadalka_theme1/functions.php on line 1037
Dhacdooyinka

Dawlada oo guddi u saartey fadeexadii ka dhacday xabsiga dhexe e Xamar

August, 11, 2020
Shalay ayay ahayd markii argagixiso ku jirtey xabsiga ...

Sh Maxamed Idiris oo ka naxay amaan la huwiyay maamul jufeedyada

July, 14, 2020
Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culimada ...

Masar oo kor u qaaday diyaar garowga dagaal ay la gasho Erduqaan

July, 11, 2020
Wasiirka difaaca Masar wuxuu hadda in bil ahba ...

Dalkaasi Kasakhistaan oo neef-qabatoo cusub ay dad badan ugu dhinteen

July, 9, 2020
Safaarada Shiinaha ee dalkaasi Kasakhistaan ayaa dadkeeda uga ...

Dhacdo laga argagaxay oo ka dhacdey duleedka Muqdisho

July, 9, 2020
Dhacdo aad looga argagaxay ayaa maanta ka dhacday ...

Madaxweyne iska indhatirey cudurka Kooro oo uu ku dhacay

July, 7, 2020
Madaxweynaha dalkaasi Barasiil ayaa sheegay inuu haleelay cudurka ...

Ganacsatada qaadka Kiiniya oo cabasho oohina ka keenay diyaarad Hargeysa u socotey

July, 7, 2020
Dhawaan ayay ahayd markii diyaarad qaad u wada ...