X

Dal ku dhow in laga guuro dhaxan awgeed

Dalkaasi Yukaryn ayaa ku dhow in laga guuro kadib markii ay la soo deristay dhaxan ayna u adkaysan karin, xitaa reer galbeedkii halaagiyay ayaa ku fashilmay inay wax u qabtaan. Reer galbeedka ayaa hub farabadan ku soo daadgureeyay laakiin taasi waxay ka caraysiisay Ruushka.



Maraykanka oo ah kan ugu badan ee siiya hubka ay Ruushka kula dagaalamaaan wuxuu sahashiiyay in Ruushku garaaco dhamaan shirkadaha korontada iyo biyaha si hubkaasi loogu daadgureyn furimaha. Taasina waxay sababtey dhaxamaha Yurub ee hadda bilaabmay in laga guuro magaalada caasimada iyo gobolada u dhowba.



Madaxda dabadhilifka ah ee u adeega Maraykanka iyo Ingiriiska ee Yukrayn ayaa u sheegay dadka dalkaasi inay u guuraan dalal kale inta lagu jiro qaboobabaha. ”Waxay ku calaacaleen in reer galbeedku ka gaarsiin la’yihiin dib u soo celinta korontada iyo biyaha.

500 oo meelood oo lagu diirsado ayaan diyaarinay laakiin kuma filna magaalo 3 milyan ku noolaan jireen ayuu yiri gudoomiyaha degmada Kiyeef. Haddii koronto la’aantu sii socoto waxay noqonaysaa in dhismayaasha dadku degan yihiin biyaha laga sii daayo haddii biyaha ku jira waa barafoobayaan, waxayna wax u dhimayaan dhismaha.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.