X

Hogaan xumada soo wajahday Somaliya waxay dib u celinaysaa sanado

Waxaan shaki ku jirin in kooxda Xalane ku guulaysatay in dalka dib u celiso muddo sanado ah. Waxa dalku ku socday inuu lugihiisa ku istaago ciidanka Kiiniyana ugu yaraan laga saaro dalka si dalku u sugo xuduudihiisa xoriysdna ugu dhawaado,, haddase waxa dib loo celiyay sanado.



”Dib u soo celinta fadhiidka weyn ee Xasan Culusow waxay sababtey in dhamaan ay istaagaan waxoogaaga yar ee horumar la sameeyay dhinacyada amniga siiba dhisida ciidan tayo leh oo lagu faani karo ayuu yiri Cali Calasow wax kala socdaa ma jiraan.



Waxa dalka dib ugu soo noqday ciidamada Maraykanka oo dalka ka dhigtey meel ay waxay doonaan ka sameeyaan ayan jirina cid la xisaabtanta, waxayna keensadeen Xasan Culusow.



”Aadan Madoobe miyaanu ahayn ninkii shalay tagey Holan ee ay casuuntey haweenayda khaniiska ah ee u dhalatey Marooko iskuna sawirtey bal ummada ha u sheego wuxuu ka doonay naagtaas ayuu yiri Xuseen Warsame.



Rajo-xumada ka jirta dalka ayaa aad u sii korodhay waxayna saamayn ku yeelanaysaa dhalinyarada sugaayay in la helo dawlad hore u socota iyo kala dambeyn soo noqota. Dagaalka lagula jiro dhiigmiiratada maaha mid jufooyin lagu soo afjari karo laakiin waxay keenaysaa dhimashada dhalinyaro badan oo si weyn looga faaiideysan lahaa xoogooda, haddase qaawanaan u dhimanaya.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.