X

Dooda Jinsigu waxay qayb ka ahayd soo celinta Xasan Culusow

Waxa baryahan aad ummada Somaliyeed uga caraysan tahay dooda khaniisiinta ee ay wadaan xildhibaano ka mida golaha shacabka, waxaase aan la ilaawin karin in waxan oo dhan ay ka mid ahayd dib u soo celintii fadhiidka weyn ee Xasan Culusow.



Kooxda Xalane ee kharashka iyo siyaasada ku bixiyay dib u soo celinta Xasan Culusow, waxa mashruuca ugu horeeya ka dhigteen in lacago badan loo abuuro hay’adaha reer galbeedka ee diinta gaalada ku faafiya dalka loona maro sheekada abaaraha.



Waxana Xasan Culusow inadeerkii C/shakuur u magacaabay booska gaajada halkaas oo waxoogaa lacaga gaalada looga soo qaaday hay’adahooda dalalka qaar. Mashruucyada kale sida in la meelmariyo dooda khaniisiinta, qabiilaynta ciidanka qaranka, la hadalka kooxda gooni goosadka ee gabalkii ka dhacay, waxay qayb ka tahay mashruuca weyn ee Somaliya dib loogu celinayo 10 sanno ugu yaraan.



”Waxa kooxdu ku bixinaysaa mashruucyadan sida qabiilaynta ciidanka, khaniisnimada iyo la dagaalanka qoyska boqolaal kun oo doolar oo ay ku jirto in maamulka gooni goosadka la siiyo awooda dheeraada, maadaama ay gacanta ku hayaan xildhibaano ku sheega Somalida wejiga uga eg ayuu yiri Cali Calasow.



Tusaale waxa idiinku filan Sacdiya Salaad (firinbi) oo safka hore kaga jirta sharcigan gaalada inay tiri Ingiriiska ayaan ka diidnay inay lacag nagu siiyaan.

Si kastaba ha ahaatee guulaysan maayaan ayuu raaciyay Cali Calasow inkastoo aad moodo in xildhibaanadii kartida lahaa ay aamusan yihiin.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.