X

Cabdi Iley oo ka soo muuqdey maxkamad ku taal Addis ababa

Cabdi Iley ayaa maanta ka soo muuqdey maxkamad ku taal Addis ababa. Madaxii hore ee ismaamulka Somalida ayaa laga qabtey gurigiisa oo ku yaala Addis ababa kaibna loo gudbiyay jeel.

Cabdi iley aya gaystey tacadiyo badan mudadii uu ka soo ariminaayay ismaamulka oo dadka Somalida ah loola dhaqmi jirey sidii la rabo ayadoo ayna jirin meel ay u ciiraan.


Waxa maanta maxkamada Cabdi iley lala soo taagey ilaa todoba kale oo ka mid ahaa maamulkiisii oo iyaguna kula jirey tacadida dilka iyo jirdilka ka baxsan diinta Islaamka.


Dadka maxkamada la soo muuqdey Cabdi Iley waxa ku jira

Cabdi Jamaal Qolombi madaxii cadaalada

Raxma Maxamed madaxii haweenka iyo caruurta

Ibraahim Maxamed madaxii waxbarashada

Deeq Cabdullaahi madax ku xigeenka horumarinta biyaha

Ibrahimmaxamed Mubaarak duqii degmada Jigjiga

Cumar Cabdi madaxii siyaasada ee xisbiga deegaanka Somalida

Somalida badankeeda ayaa is waydiinaya waxa dawlada dhexe ee Itoobiya ka qabanayso dadkii Somalida ahaa ee aan waxba galabsan ee lagu diley maamulka Oromada.

ā€¯Dadkaas cadaalad ayaa dalbanayaan ayuu yiri oday ehelkiisa lagu diley gobolka Oromada oo sugaya cadaalad. Madaxa Oromada isna hala eryo ama halagu qaado dembiyada laga galay Somalidaa ayuu raaciyay.


Cabdi Iley ayaa ku faani jirey inuu yahay Itoobiyaan. Waxa jeelka loo taxaabay markii laga qaaday xubinimadii xisbiga taas oo ka dhigtey shaqsi caadiya.

Booliiska Itoobiya ayaa sheegay inay ku raad joogaan madaxa urur uu Cabdi Iley samaystey oo isku magacaabay Heego.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.