X

Cabdi Iley oo la dhamaystirey dambiyadii uu galay

Maamulka Mustafe Cagjar oo in muddo ahba waday xog ururinta dembiyadii Cabdi Iley oo la shaqayn jirey Tigreega uu ka galay Somalida ayaa hadda loo gudbiyay dawlada dhexe.


Cabdi Iley ayaa ku jira xabsi ku yaala Addis ababa waxana loo haystaa dembiyo uu galay maalmihii u dambeeyay xukunkiisa oo uu abaabuley rabshado ka dhana ajaanibtii awal uu jeclaa ee ku noolaa Jigjiga.


“Tobankii sano dhibaatooyin badan ayaa dhacay, tacaddiyo ballaadhan oo umadda soomaaliyeed loo geystay, waxa kaloo jira musuqmaasuq badan oo dawladdii xilligaa jirtay samaysay baa jirta, dawladda oo keliya maaha waxaa jira dad kalejeneraalladii halkan ka shaqayn jirey oo dhibaato badan dadka u geystay baa jira.” Ayuu yidhi Cabdiweli Jaamac, xeer ilaaliyaha dawlad deegaanka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.