X

Hay’ad sheeganaysa inay Somalida iyo Axmaarada u qaybisay lacag Karoonaha awgeed

Hay’ad laga leeyahay Holan ayaa sheegtay inay lacag cad u qaybiyeen qoysas danyara oo ka soo jeeda qoomiyadaha Somalida iyo Axmaarada ee Itoobiya hargabka Karoona awgeed.


Hay’adan aan hore loo aqoon oo loo malayn karo kuwa ku qaraaban kara dadka danyarta ayaa sheegay in hargabka awgeed ay jiraan qoysas badan oo dadna aan ku tiirsanayn ama aabihii u dhintey xanuunka una badan haween caruur haysta aan haysan iyo dadka naafada ah.

Waxay hay’adan sheegtay inay siisey qoyskiiba shan bilood oo isku xigta min 1300 oo Bir halka bisha lixaadna ay siisay 2600 oo Bir. ”Dadka aan taageernay waxaan u furney keyd bangi ay kala baxaan lacagta kadibna ku iibsadaan waxay rabaan.


Hay’adan ma sheegin halka ay lacagta ka keentay iyo inta qof ee ka faaiideystay lacagtan ay sheegtay inay socotey lix bilood.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.