X

Nin aan Muslim ahayn oo Muslimiin masaajid u dhisay iyo sababta

Nin aan Muslim ahayn ayaa Muslimiin masaajid u dhisay. Ninkan oo lagu magacaabo Saji Sheriyan ayaa ku nool dalkaasi iskutaga Imaaraadka Carabta. Wuxuu Imaaraadka soo galay sanadi 2003 asagoo haysta dhowr boqol oo dirham.



Saji oo dhalashadiisu Hindi tahay ayaa meheradiisa dhisay 15-kii sano ee u dambeeyay wuxuuna hadda haystaa lacag lagu qiyaasay 18 milyan oo doolarka Maraykanka.

Waxa guryaha uu leeyahay degan dad Muslimiina oo masaafo u taga goobaha masaajida. Wuxuu yiri ”waxay bixiyaan ilaa 6 dirham si ay salaada Jimcagha ugu soo tukadaan masaajid ka dheer.

”Marka waxaan go’aansadey inay ka farxin doonto haddii aan masaajid uga dhiso halka ay degan yihiin si ayna masaafo dheer u tagin Jimcaha.



Wuxuu markaasi dhisay masjidkan oo ay ku baxdey ilaa hal milyan iyo 3 boqol oo dirhamka Imaaraadka ah, waxana faraha laga qaadey daraad xilli Ramadaan soo galay.

Waxa masjidkan ku tukan kara 250 qof halka inta hadhka ah ay ku tukan karaan ilaa 700 oo qof.

Saji ayaa yiri markey dadku maqleen inaan masjid dhisayo dad badan ayaa lacago ku deeqay halka kuwo kale balan qaadeen inay sibidhka iyo jaajuurka keenaan laakiin si sharafi ku jirto ayaan uga gaabsadey waayo waxaan rabey inaan lacagteyda ka bixiyo.



Wuxuu masjidka u bixiyay Maryam. Masjid isla magacaas wata ayaa isna ka dhisan caasimada Abu-dhabi.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.