X

Cabi Axmed oo khashifay weerar qarsoon oo lagu hayo dalkiisa

Raiisal wasaaha Itoobiya ayaa shaaca Ka qaaday weerarka qarsoon oo cilmiyaysan oo lagu hayo dalkiisa intooda badana ay uga imaanayaan dalka dibediisa. Raiisal wasaaha ayaa ka hadlayay weeraro dad badan ay xasuuqeen maleeshiyada Oromada.


“Dalka waxa Ku socda weeraro cilmiyaysan oo inta badan dibedda inooga imanaaya sida dagaalka warbaahinta, khalkhalgelinta amniga ayuu yiri Cabi Axmed.

Tusaale ahaan haddii berito uu weerar ka dhacayo degmo ka tirsan gobolka Oromada, waxa durtaba sii og warbaahinta dibedda, waxayna diyaariyaan warbixin ku saabsan mashaqada markaana halka anagu welli aanu gaarin goobta mashaqadu ka dhacday ayuu raaciyay Cabi Axmed.


” Waxay isku dayayaan inay abuuraan dagaal u dhexeeya Oromada iyo Axmaarada ayagoo u maraya dhinaca diinta, waxana muuqata in cadowgu shirqoolo badan yahay.



Cabi Axmed ayaa sheegay in dalku hadda samaystey awood ka hortagta dhamaan shirqooladaa. Cabi Axmed ayaa Tigreegu gaaday asagoo isku dayay inuu dhulka Oromada soo galo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.