X

Xasan Culusow iyo horjooge Muuse Biixi oo toos ugu xiran Yuhuuda: WARBIXIN

Warbaahinta Yuhuuda ayaa markale ku celiyay in Xasan Culusow diyaarinayo inuu golaha shacabka hor geeyo soo jeedin ah inuu xiriir la samaysto Yuhuuda sida laga soo xigtey gacanyareyaal isaga u dhow sida afhayeenkiisa.


Halka horjooge Muuse Biixi ay ku sheegeen warbaahinta Yuhuudu inuu u ilmaynayo inuu xiriir la yeesho Yuhuuda laakiin uu waayay cid ka hoos qaada.

”Waxaba laga soo xiganayaa afhayeenka Xasan Culusow oo aan khibrada badan lahayn laakiin jufo ahaan loo magacaabay inaanu waxba u arag xiriir lala yeesho Yuhuuda ayuu yiri Cali Calasow.


Ilaa intii Somalida lagu soo dhex tuuray Xasan Culusow waxa soo baxayay warar aad u adag oo sheegaya in Maraykanku yahay kan soo saaray Xasan Culusow rabana inuu ku fushado arimo badan oo xad-gudub ku ah qaranimada dalka.

”Warbaahinta ayaa qortey in shir Yuhuudu ay iclaamiyeen xilli aan sidaa u fogeyn oo loo qabtey saxaafada uu ka soo qayb galay nin horjooge Biixi u qaabilsan aruimaha dibedda.



”La yaabi mayno in horjooge Muuse Biixi Yuhuud wax ka dayo waayo ina adeerkii Maxamed Ibrahim Cigaal ayaa uga horeeyay sida hore loo shaaciyay ayuu yiri Xuseen Warsame laakiin Xasan Culusow waxay ka tahay sidee kursiga ugu sii fadhidaa gaalka weyn u raali gelisaa ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

Si kastaba ha ahhaatee haddii Xasan Culusow la yimaad sheekadaas waxaan filayaa in xilka looga qaadi karo.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.