X

Kanada oo ka cadhaysiisay Jarmalka

Kanada iyo Jarmalka ayaa isku dhegin kadib markii Kanada ka cadhaysiisay Jarmalka. Labadaan wadan ayaa muran soo kala dhexgalay markii Kanada diidey inay soo celiso dhuun isku xidhe gaas oo laga furey dhuun gaaska keenta Jarmalka.

Jarmalka oo wajahaya dhaqaale xumo iyo sixir barar aad u xun oo isagu isku keenay markii uu daba rucleeyay Maraykanka iskuna soo rogey cunaqabatayn gaas ayaa hadda ku calaacalaya in dhuun isku xirtaas degdeg loo soo celiyo.

Kanada ayaa diidey kuna doodey in dhuun isku xirtaan ay saaran tahay cunaqabatayn ka dhan Ruushka oo wadamo shegta inay xulafo la yihiin Maraykanku iskood ugu soo rogeen.

Wadamada iskood cunaqabataynta iskugu soo rogey ayaa durba waxa haysta dhaqaale xumo tii ugu xumayd. Kanada ayaa hadda dabacdey welise ma sheegin inay dhuun qabatintaas soo celin doonto.

Ruushka ayaa yareeyay gaaskii maraayay dhuuntaas ay ka maqan tahay dhuun-qabatinku, wuxuuna balan qaaday inuu soo deyn doonto marka la soo celiyo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.