X

Cabi Axmed oo amrey in ooda laga qaado maxaabiista ku xiran Jigjiga

Raiisal wasaaraha Itoobiya Cabi Axmed ayaa amrey in ooda laga qaado maxaabiista ku jirta jeelka weyn ee Jigjiga ee loo yaqaan Jeel Ogaadeeniya.


Maxaabiista halkan ku xiran ayaa u sheegay hay’adda xuquuqul insaanka ee reer galbeedka in lagu jirdilo, laguna kufsado oo xataa haween ku dhaleen caruur askartu ka dhaleen.

Isbedelka uu la yimi Itoobiya oo dhan ayaa keenay in Cabi Axmed uu bedelo saraakiisha jeelasha oo iyagu waxay doonaan ku sameeya maxaabiista xiran oo inta badan aan karin sharciga ama ayna jirin wax toosa oo ay ku luig lahaayeen.


Kadib markii la maqley amarka raiisal wasaaraha ayaa waxa afaafka hore ee xabsigaasi soo gaaray dad eheladoodu ku xirnayeen in muddo ayagoo rajaynay in dadkooda loo sii daayo.


Maxaabiista ayaa shegay in sidii la doono loola dhaqmo arintan oo caan ka ah jeelasha Itoobiya wana ta ku kaliftey Cabi Axmed inuu kala dirto saraakiisha jeelasha ee dalka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.