X

Dilka Oromadu ku wado Somalida oo kordhey iyo 5 lagu diley Jinacsani

Dilka Oromadu ku wado Somalida oo kordhey iyo 5 Smali oo lagu diley Jinacsani oo ah magaalo qadiimi ah oo ay ku noolyihiin Somali farabadan inkastoo Oromadu sheegato deegaanka. Dilkan u dambeeyay ayaa aad loga caroodey.


Oromada aya dareensan inay heleen raiisal wasaare agtaagan inkastoo Cabi Axmed uu diidan yahay isdilka noocana.

Nabadoon Maxamed Maxamuud oo u warmay saxaafada ayaa sheegay in shanta ruux ay dileen Oromadu xaaladuna tahay faro ka bax.


“Xaaladda deegaanka aad bay uga dartay, Shan qof oo Soomaali ah ayeey Oromadu Gowraceen, dagaalka wuu sii socdaa oo Labada dhinacba sidan bay isku dilayaan, xalna ma jiro.” Ayuu yiri Nabadoonka.


Illaa hadda ma jirto cid si toos ah u kala dhex gashay dilalka iyo beegsiga ay isku hayaan Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida dalka Itoobiya wada dega, waxayna yihiin kuwa wali isku hub aruursanaya.

Maxaed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.