X

Cadayn na tusa haddii kale joojiya qaylada: Madaxweynaha Yukarayn

Madaxweynaha Yukarayn oo diyaarad dalkiisa leedahay ku dhacdey caasimadda dalkaasi Iiraan ayaa u sheegay dalalka Ingiriiska ku hadla oo is habar wacdey inay tusaan cadaynta ah in diyaarada ay ku dhacdey gantaal Iiraan leedahay oo lagu waday Maraykanka.


Diyaarada Yukarayn leedahay ayaa waxa saarnaa 176 qof oo rakaaba mana jirto Cid Ka badbaadey. Waxa wadamada is habar wacdey ee Maraykanka, Ingiriiska iyo Kanada oo dad badan kaga dhinteen leeyihiin waxaan haynaa sida diyaarada loo soo ridey.


Xilliga diyaarada la soo ridey ayaa la sheegay in Iiraan ku mashquulsanayd tuurista gantaalada. Iiraan ayaa beenisay in diyaarada uu gantaal ku dhacay, waxayna sheegtay in wararka sheegaya inay si qalada Ku soo ridey ay yihiin kuwo maskaxiyan loola dagaalamayo.


Waxay dalbatey in dhamaan wadamada eheladooda ku waayay diyaarada ay soo diraan wakiilo qayb ka noqda baaritaanka. Qaylada wadamada is habar wacdey ayaa imaanaysa ayagoo suuqa soo geliyay muuqaal aan waxba laga arkeyn.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.