X

Dawladu jufo kasta miyay la galaysaa heshiis mise sharcigu waa mid guud

Todobo sano kahor ayay ahayd markii weerarkii ugu xumaa lagu soo qaaday dalka, markaas oo meesha laga saaray dastuurkii dalku lahaa laguna bedelay dastuur dhoodhoob laga soo minguuriyay gaalada oo khaniiska xoriyad siinaya inkastoo xagga dambe laga raaciyay wixii diinta diidan in la tuurayo.


Waxa haddaba dastuurkaas oo lagu sheego federaal lagu daray oo weliba siyaasiyiin Ku darsadeen in jufooyinku la siman yihiin dawlada dhexe. Haddalada ay siyaasiyiin neceb dawlad dhexe oo adag ku darsadeen waxa ka mida erayada “dawladaha xubnaha ka ah dawlada dhexe.

Su’aasha ayaa ah dawlada dhexe oo jufo kasta ku jirto iyo iyadoo welli la qaadan nidaam Somali leedahay oo xora, maxaa keenay in jufo kasta gooni loo qanciyo.


Waxa nidaam fashilkii Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif heshiisyo la galeen jufooyin gaara sida Butlaan iyo Kismaayo oo ciidanka Kiiniya ka taliyo taas oo qalad weyn ahayd.

Somali waxay u baahan yahay inay hesho awood ay ku fuliso dawladnimada taas oo ilaa hadda lagala dagaalamayo mar ay noqoto in laga dagaalamo qaramada midoobey iyo mar la diciifiyo dawladnimada ayadoo barnaamijyo lagu furo.


Waana muhiim in qorshaha uu ansixiyo barlamaanka sideeda looga dhaqangeliyo dalka intii la qancin lahaa jufooyin taas oo kahor imaanaysa dawladnimada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.