X

Iiraan oo bixinaysa magta diyaaradii qaladka gantaalku ugu dhacay

Madaxweynaha Iiraan Rowxaani ayaa qirtey in diyaaradii dalkaasi Yukarayn ee ku burburtey duleedka Tehraan uu si qalada ugu dhacay gantaal cadowga loogu talogalay. Waxa diyaarada ku nafwaayay dhamaan rakaabkii saarnaa iyo shaqaalihii diyaarada.


Yukarayn ayaa sheegtay in diyaaradu cusbeyd Isla markaana dhawaan uun lagu sameeyay dayactir. Wasaarada difaaca Iiraan ayaa faahfaahiyay sida qaladku u dhacay.

“Xilliga qaladkan aadka u weyn dhacay waxa hawada ku jirey diyaaradaha cadowga Maraykanka, waxayna ku beegnayd markii gantaalaha lagu garaacay xarumahooda Ciraaq.


Diyaarada oo waxyar kahor Ka kacdey madaarka Iiraan ayaa dul socotey goob muhiima oo milatari, ayadoo ku socotey masaafo u eg tii cadowga, waana marka lala eegtay gantaalaha ayuu yiri wasiirka difaaca Iiraan.


Waxaan soo faqaynaa cida qaladkan aan la cafin doonin gashay, waxaan mardiin doonaa ciqaabta ku haboon ayuu yiri madaxweyne Rowxaani oo ku dhawaaqay magta dadkii ku geeriyooday diyaarada.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.