Thursday, March 21st, 2019
header

Cadho ka dhalatey gabadh lagu diley Qabri-dahare ee ismaamulka Somalida

Cadho ka dhalatey gabadh lagu diley Qabri-dahare. Sida uu ku waramay qaraabada gabadha lagu diley Qabri-dahare oo ka tirsan ismaamulka Somalida Itoobiya, gabadha ayaa ku jirtey jeel.

Dadka magaalada ayaa si adag uga soo horjeestay arintan. Ismaamulka Somalida ayaa iyaguna sheegay in gabadhan is-dishey oo ay isku dishey jeelka.




Faahfaahin kama bixin waxay isku dishey iyo in loo gaystey jirdil. Gabadhan oo lagu magacaabo Taysiir Cumar Maxamed Cilmi Salal, waxa ay jirtay 20 sano, wali ma aysan guursanin, waxayna u shaqaynaysay dowladda hoose ee magaalada Qabri-dahare, gaar ahaan xaafadda shanaad.

Waxayna u ololeyn jirtey xuquuqda dumarka inkastoo tan ahayn sababta loo diley. Sawiro la soo dhigey baraha bulshada oo aanaan xaqiijin Karin ayaa u muuqata Taysiir in la ciijiyay.

Gabadha adeerkeed oo idaacadaha la Hadley ayaa yiri;




“Qoladan meesha joogta, kuwa wax maqlaya ma ahan, baaqna looma diri karo, dhibaatadan alle ha naga dulqaado, tii ugu horeysay ma ahan, tii ugu dambeysayna ma ahan, dilkana hala joojiyo, waa ceeb kusoo korortay Soomaalida” ayuu yiri Maxamed Xiis Kallane oo ku hadlay magaca qoyska gabadha ay ka baxday.

Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Sababta ay u gadoodeen ciidan Jowhar joogey oo la ogaadey

March, 20, 2019
Waxa maanta gadooday ciidan ka tirsanaa xooga dalka ...

Axmed Madoobe oo diidey amar kale oo ma soo baxay dawladda dhexe

March, 20, 2019
axAxmed Madoobe ayaa maanta diidey  amar ka soo ...

Xildhibaan ka mida maamulka Somaliland oo ka noqdey goosadka

March, 20, 2019
Xildhibaan ka tirsan maamulka Somaliland ayaa sheegay inuu ...

Ehelada agaasime xalay gurigiisa Hargeysa loogu soo daatey oo afka furtey

March, 20, 2019
Askarta Muuse Biixi ayaa xalay u daatey guriga ...

Laba argagixiso oo uu ku dhacay xukun ku haboon falka ay galeen

March, 20, 2019
Maxkamada ciidanka ayaa ku hekay kava argagixiso ibay ...

Dhacdooyinka

Wasiir Somaliland ah oo ka cadhoodey su’aalo lagu garaacay

March, 17, 2019
Fadeexada wasiirka arimaha dastuurka oo ah kursi madhan ...

Shacabka degmada Araabi oo ka banaabaxay balano looga baxay iyo maamul xumo: SAWIRO

March, 10, 2019
Shacabka degmada Araabi ee ismaamulka Somali galbeed ayaa ...

Khuburo ku sheeg uu dhegeysto Trump oo toos ula jira Kiiniya muranka badda

March, 9, 2019
Khuburo isku sheeg Trump talada ka dhegeysto gaar ...

Muslimiin Somali ku jjrto oo ka banaanbaxay khaniis la barayo caruurta Ingiriiska

March, 8, 2019
Muslimiin ay Somali ku jitto ayaa banaanbax balaaran ...

Isku duwaha caafimaadka gobolka Awdal Yaabe oo durba gobolka keenay mashruuc balaaran

March, 7, 2019
Isku duwaha caafimaadka gobolka Awdal Maxamed Xaaji Cumar ...

Ma nihin adoomo sidii la rabo loola dhaqmo: Erduqaan oo Maraykanka ku qarxiyay

March, 7, 2019
Madaxweynaha Turkiga Erduqaan ayaa ku qarxiyay Marsyksnka oo ...

Sirdoonka Maraykanka oo raadinayo tabeelooyin dila oo ka dhana Ilhaan Cumar

March, 3, 2019
Sirdoonka Maraykanka ee loo soo gaabiyo FBI ayaa ...