Thursday, October 17th, 2019
header

Calaacalka Maraykanka ee Iiraan oo la ogaadey kadib duqeyntii dhaxalgalka ahayd ee Sucuudiga

Kadib duqeyntii dhaxalgalka ahayd ee dawlada Yaman ee taagta daran ku qaadey warshadaha saliida sifeeya ee Sucuudiga, halkaasna ay ku basbeeleen intii ugu badneyd ayaa Maraykanku markiiba ku eedeyay Iiraan.

”Gantaalku wuxuu ka yimi Woqooyiga ama Bariga ee kama iman Koofurta oo Yaman ka xigto ayuu yiri wasiirka arimaha dibedda. Ma soo bandhigin cadayn aan ka ahayn dayaxgacmeed dusha ka sawirey saliida holcaysa ee Sucuudiga o dadka badankiisu la yaabeen.



Waxa taas ka sii daran wuxuu xagjir Taram sheegay in uu ka sugayo wahaabiyada Sucuudiga cida ay u malaynayaan inay weerarka soo qaaday iyo weliba inay u hagto waxa xiga.

Taas oo u muuqata inuu rabo inuu yiraa waxa na wada Sucuudiga waa hadduuba isku qaado inuu weerar ku qaado Iiraan. Wahaabiyada Sucuudiga oo baqdin ku jirto ayaa ka aamustey inay cidna eedayso keliyana sheegtay inuu yahay weerar argagixiso.



Wahaabiyada Sucuudiga oo caqiiqada qaldan ee iyaga u gaarka ah ku faafisa dunida Muslimka ah ayaa ah dawlada sadexaad ee aduunka ugu hub iibsi badan ama lacag badan geliya dhinaca hubka, waxayna balaayiin doolar oo huba iyo weliba heshiis ilaalina kula jirtaa Maraykanka.

Weerarka lagu gubey hantidii ay hubka ku soo iibsan jirtey ayaa waxaas oo dhan ka dhigey qasaare.

Nin joogey xarunta la gubey ayaa sheegay in hubkaas dhamaantood gacanta ugu jiraan Maraykanka oo Sucuudiyiintu xataa kaxayn Karin, in la hago mooyee. Halkanse meel laga filaayay maaha oo maba oolin raadaaro iyo wax kale.



Wixii oo huba ayaa shaqayn waayay xataa kuwa sheega diyaaradaha dalka soo galaya waana halka xagjir Taram ka gubanayo ee uu leeyahay eeda waxa iska leh Iiraan ee malaha dawlada Yaman ee Xuutiyiintu gar-wadeenka ka yihiin.

Taas oo ka dhigan waxa weerarka soo qaaday wadan awood u leh oo ina dili kara ee maaha Xuutiyiinta aan eryan karno.



Saliida Sucuudiga ayaa doolar lagu gataa taas oo Sharaf u yeeshay doolarka Maraykanka aduunka oo dhan waayo waxa la is dhaafsanayaa malaayiin doolar maalin kasta.

Ujeedada guud ayaa ah maxaa naga galay hadday saliidu gubato taayada ayaa suuq fiican helaysa, wuxuuna Taram markiiba sheegay in ay diyaar u yihiin inay difaacaan Sucuudiga oo macnaheedu yahay inay hub kale sii gataan.



Waqtiguse wuxuu sheegayaa in Xuutiyiinta fiqiirka ah sii xoogeysanayaan oo awoodoodu gaartey meel halis gelisay saliidii lagu weerari jirey ee hubka lagu soo iibsan jirey haddase yaa ka celin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Hay’adda isku xirka bulshada ee Turkiga iyo mashruucyada ay Somaliya ka fuliso

October, 17, 2019
Hay'adda isku xirka bulshada ee Turkiga ee loo ...

Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo ka hadley ujeedada safarkiisa Maraykanka

October, 16, 2019
Rasiisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadley ...

Taliye ka hadley sida RABI uga badbaadiyay isku day dil

October, 16, 2019
Sarkaal ka tirsan ciidanka booliiska ee magaalada dilka ...

Maamulka Muuse Biixi oo ka hadley ciidan ka goostey

October, 16, 2019
Maamulka Somaliland ee uu Ka taliyo horjooge Muuse ...

Qisada qoys Holandays ah oo been loogu sheegay aduunyo gadoon oo la helay

October, 16, 2019
Tuulo ku taala dalkaasi Holand ayaa laga badbaadiyay ...

Dhacdooyinka

Dawlada Yaman oo wacad ku martey inay garaacdo Abu-dabay

September, 19, 2019
Dawlada Yaman ee ay hogaanka u hayaan Xuutiyiinta ...

Muuse Biixi oo hooyooyinka u sheegay inay muruqa muujiyaan

September, 17, 2019
Horjoogaha maamulka Somaliland oo Burco Ka furtey garoob ...

Safaarada Somaliya ee Kiiniya oo beenisay war jirdila

September, 15, 2019
Safaarada Somaliya ku leedahay Kiiniya ayaa beenisay in ...

Fadhiga suuli dahab ka samaysan oo la xaday iyo qiimaha uu taagnaa

September, 14, 2019
Fadhiga Musqul dahab Ka samaysan oo uu farsameeyay ...

Diyaarad bad ku dul socota iyo baylood bun ka daatey maxaa dhacay kadib?

September, 13, 2019
Diyaarad rakaab badan sida ayaa Ka soo duushey ...

Haad markii ugu horeysay ilmo yar ku cuney ismaamulka Somali Galbeed

September, 10, 2019
Haad ama galaydh kolba sida Somalidu u taqaano ...

Gabdho maqaayad ku leh Burco oo qarka u saaran inay ka guuraan magaalada: WARBIXIN

September, 7, 2019
Dhawaan ayay ahayd markii maqaayada Warsan ee magaalada ...