X

Cali Khaliif oo isku dhiibey Somalilaan oo ka hadlay su’aashii Farmaajo ku raftey

Siyaasiga Cali Kjaliif Galaydh oo muddo hore isku dhiibey Somalilaan ayaa si adag uga jawaabay su’aashii uu ku raftey Farmaajo ee ahayd goboladaas yaa ka masuula.


Cali Khaliif iyo fadhiidkii weynaa ee Xasan Sheekh

Wuxuu ka hadlay  Arinta Dhismaha maamulada  Dalka Iyo Sidii madaxwaynihii Hore ee Xasan sheikh  u sheegay inayna Qorshaha ugu jirin gobolada Waqooyi (Somaliland). “Inuu khaatumo iyo inta rabta Midnimo Soomaaliyeed,   waxba u ahayn waanu aragnay,    Koonfur ayuu maamulada u dhisayey,  markaas ayaan go’aan ka qaatay inaan Xamar waxba noo oolin”. Ayuu yidhi Cali Khaliif.

Cali Khaliif iyo su’aashii Farmaajo ku raftey


Madaxwaynihii wuxuu yidhi Su’aashu waa mid adag, Waxaanu u Qaadanayn inaan Sool, Sanaag iyo Cayn waxba u oolin Muqdisho, Isagu (Farmaajo) Sidii  Xasan ma odhan halkaas waxba nagama jiraan, Hada ogow Maamulada kale dawladda aya dhistay waad ogtahay galmudug inta Qarash ku baxday,  Farmaajo sidii Xasan warkiisa ma Cadaysan Balse  Ood Jiidin iyo Qaadis waa ila guryo gayn.” Ayuu yidhi Cali Khaliif.

Si kastaba ha ahaatee waxa Cali Khaliif maradu ka dhacdey markuu is hoos dhigey gooni goosato inkastoo hadda sheekadaas lagu kala tagey marhore. Waxaanad is odhan kartaa Dhulbahante iyagaa halkaa is dhigey marka ayna jirin madax waxgarada oo ku yimaada nidaamka 4.5.


Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.