X

Dab ka kacay Dhuusamareeb iyo khasaare ka dhashay: SAWIRO

Dabkan aya ka kacay goobo ganacsi oo inta badan isku daba xiriitsan inta badana ayna jirin meel laga maro mar dab yimaado. Dabka ayaa markii ka kacay kaalin shidaal kadibna ku fidey goobaha u dhow.


Dad ku soo xoomey goobta dabku ka kacay ayaa ku guulaystey inay bakhtiyaan. Ma jiro dab demis magaaladu leedahay taas oo dabka sii hurisay.

Waxaa ay sheegeen in dabkii Maanta ka kacay Goobaha Ganacsi ee ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb uu sababay khasaaro hantiyadeed, hayeeshee ay dadaal badna ku bixiyeen sidii loo yareyn lahaa kuna guuleysteen.


Maaha markii ugu horeysay ee uu magaalada ka kacay dabku. Waxa degdeg loo dalbaday dabdemis oo hadda lacag ahaan loo hayo $22 kun.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.