X

Turkiga oo ku biiray dalalka soo qaadaya askartiisa joogta Afqaanistaan

Cutubyo ka tirsan ciidamada Turkiga ee ku sugan dalkaasi Afqaanistaan ayaa laga dejiyay magaalada Islamabaad ee dalkaasi Bakistaan ayado kadibna dib looga soo qaadi doono.


Turkiga ayaa saacadihii ugu dambeeyay ogaaday inayna faaiido ugu jirin sii joogista Afqaanistaan oo hadda gacanta loo geliyay argagixisada Taalibaan iyo Daacish.

ā€¯Waxaan si degdega ugala soo baxaynaa askarta naga joogta Afqaanistaan kadib halis cusub oo ka soo korodhay halkaas ayuu wasiirka gaashaandhiga Turkiga Akar.


Turkiga ayaa awal rabay inay sii joogaan oo la wareegaan amniga madaarka Kaabuul haddii Maraykanku sii joogayaan taasise ma dhicin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.