Iswiidhan ayaa markii ugu horeysay looga dhawaaqay xisbi Carabaysan oo ku tartami doona doorashooyinka dalka. Masuuliyiinta xisbiga ayaa sheegay in xubinimadu tahay oo keliya in qofku arab ka soo jeeda ama labadiisa waalid mid yahay Carab.
Waxay sheegeen inay u dagaalami doonaan xuquuqda Carabta ee Joogta Iswiidhan, iyo yaraynta shaqo la’aanta. Iswiidhan ayaa ka mida wadamada cunsuriyadu hadda soo kordheysa .
Waxa Iswiidhan soo galay sanadiii 2015 Carabtii ugu badneyd oo ka timi Suuriya iyo Maqrib, waxana hadda lagu qiyaasaa inay gaadhayan laba boqol oo kun (200,000).
Maxay diidan yihiin
Waxayna ogolayn in xisbigooda lagu arko dharka astaamaha u ah diinta islaamka sida masarka ama gambada timaha lagu xirto. Waxay kaloo beniyeen inay rabaan inay Iswiidhan Carabeeyaan.
Inkastoo Carabta Iswiidhan joogta yihiin kuwo dadkoodu xor ahaayeen oo ayna ahayn sida kuwa khaliijka, haddana waxa ururka salka u ah Shuuciyada iyo diin ka fogaanshaha.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS